Muqdisho, Soomaaliya, Oktoober 29, 2023 – Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada iyo Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si wadajir ah maanta u soo qabanqaabiyey madashii ugu horreysay ee Amniga Internet-ka Soomaaliya kaas oo halku-dhig looga dhigay “Sugidda & Badbaadada Mustaqbalka Dijitaalka Soomaaliya”.
Munaasabadda oo ka dhacday Hotel Jazeera, ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin ka kala socotay Dowladda, Qeybta Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Bangiyada iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, iyadoo tani ay ka dhigan tahay guul muhiim ah oo Soomaaliya ay kaga go’an tahay sare u qaadidda tallaabooyinka lagu xoojinta amniga internetka.
Inta ay Munaasabadda socotay, waxaa madasha lagu soo bandhigay khudbado kala duwan, iyo kulamo cilmiyeedyo, iyadoo si qoto-dheer looga dooday caqabadaha iyo fursadaha lagu xaqiijinayo amniga digitaalka ah ee Soomaaliya.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa khudbaddiisa kaga hadlay muhiimadda ay leedahay amniga internetka: “HIQ waxay aqoonsan tahay khataraha ka dhalan kara adduunyada isku-xiran ee sii kordhaysa. Waxaa naga go'an inaan si dhow ula shaqeyno dhammaan dadka ay khuseyso si aan u horumarino qaab-dhismeedyada amniga internetka oo adag, kor loogu qaado wadaaga macluumaadka, iyo horumarinta awoodaha farsamo si loo xaqiijiyo adkeysiga nidaamka deegaanka ee dhijitaalka ah ee dalka."
Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolajiyada, Mudane Jaamac Khaliif, ayaa bogaadiyay Madasha, waxa uuna sidookale ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay madashan,isagoo yiri: “madaama aannu cagta saarnay wadadii dhijitaaleynta waa in aan mudnaanta siinaa amniga internetka si aan u ilaalino kaabayaasha muhiimka ah ee qarankeena una sugno mustaqbalka dhijitaalka ah ee muwaadiniinteena. Madasha Qaran ee Amniga Internetka ee Soomaaliya waxay suuragalineysaa fagaare wada-shaqeyn iyo wada-hadal lagu yeelan karo si loo xoojiyo dadaalladeenna ku aadan arrintan muhiimka ah.”
Madasha Qaran ee Amniga Internetka Soomaaliya waa tallaabo lagama maarmaan u ah dhanka abuurista wacyi-gelinta iyo horumarinta istaraatiijiyad la xiriirta amniga internetka dalka. Iyadoo la isu keenayo daneeyayaasha ka kala socda dowladda, qeybta isgaarsiinta & teknolojiyada, bangiyada iyo ururada bulshada rayidka ah, madashan ayaa ujeedadeedu tahay in Soomaaliya ay si wanaagsan ugu diyaargarowdo sidii ay wax uga qaban lahayd xaaladda amniga ee dhanka internetka.